![]() |
||||||||
Bar
ama Baro |
||||||||
|
.In the News............ Nov 16, 2005 Xaflada si heersare ah loo agaasimay oo manta lagu qabtay magaalada Laascaanood gaar ahaan hotel Xaanbuuse ayaa lagu xusay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Furitaankii kumeel gaadhka ahaa ee Jaamacadda Nugaal, si rasmiyana loo furay. Xafladda oo ay ka soo qayb galeen Issimo, ay kamid ahaayeen Garaad Abshir Saalax, Suldaan Siciid Cismaan,Boqor C/laahi , Garaad C/salaam Xasan Maxmed, Garaad Saleebaan Buraale Wasiirka wabarshada Puntland Axmed Siciid Nuur, Xildhibaano uu ka mid ahaa IBraahim Maxmed Guure,xildhibaano ka socday Dawlada Federaalka, madaxda gobolka oo ay horkacayeen Guddoomiyaha gobolka IBraahim Jaamac Daad,Duqa degmada Dr.C/shariid Barkhadle, iyo howlwadeenka Jaamacadda DR.C/raxmaan Xaaji Saalax,Prof Yuusuf Maxmed Xayd, Oday Maxmed Buraale Ismaaciil iyo martisharaf aad u tiro badan. Waxaana ugu horayn halkaasi warbixin ka soo jeediyey Hawlwadeenka jaamacadda Nugaal
Dr. C/raxmaan
Xaaji Saalax oo ka xogwaramay sababihii loo aasaasay Jaamacadda Nugaal
iyo fikirkan halka uu ka yimi , wuxuuna sheegay in Jaamacadda Nugaal
ay fekerkeeda lahaayeen rag aqoon yahan ah oo ka tirsan Jaaliyadda
deegaanka u dhalatay, waxaana ay qayb libaax ka qaateen sidii loo
hirgalinlahaa , waxa kale oo uu sheegay in ay iyagu ilaa iyo xilligan
dhaqaalo ahaan ay jaamacaddu ku tiirsan tahay, Baahida keentay in
jaamacadda la sameeyana wax uu sheegay markii laga fakeray ardayga
deegaanka u dhashay iyo duruufaha Soomaaliya Maanta ku sugan tahay,
marka uu dugsiga sare dhamaystana ay laga maarmaan tahay in uu sii
wato waxbarashadiisii ee aanu iska fadhiisan in loo sameeyo jaamacadda
isaga oo deegaankisii jooga uu waxbarasho helo, taas oo dhaqaale iyo
bohol-yowga ka baajinaysa.
Duqa degmada Laascaanood Dr. C/rashiid Barkhadle ayaa ku tilmaamay Jaamacadda Nugaal farxad isaga u gaar ah maadaama xilli uu hayo guddoomiyennimada degmada Laascaanood si rasmi ah looga furay, wuxuuna maamulka jaamacadda ku booriyey in ay hawshan adag ee ay dhabarka u riteen si hufan uga soo baxaan ardaydana xushaan.
Oday Maxmed Buraale Ismaacil oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ardayda xilligani ka nasiib badan yihiin ,waayo, wuxuu yidhi sannadkii 1945kii ayaan dugsiga anigu ka galay magaaladda Shiikh oo aad uga fog deegaankeena , halkaas ayeyna waxbarasho taagnayd, maantana ardayda xilligan gurigiisi ayaa waxbarashada loogu keenayaa, waxaana inala gudboon in aan waxbarshada isgarab taagno.
PROF Yuusuf Maxmed Xayd ayaa intii aanu hadal kooban xafladda ka soo jeedin wax uu soo bandhigay Film ka xogwaramaya marxaladihii ay soo mareen soo ururinta buugaag gaadhaysa sided kun (8000) oo ay isaga iyo qoyskiisu ugu deeqeem jaamacadda ayaa lagu daawaday goobtii xafladu ka dhacaysa, wuxuuna soo bandhigay xilligii uu bilaabay ururinta buugaagtan oo ku sinayd bilowgii sanadka ilaa xiligan uu guddoonsiiyey jaamacadda nugaal buugaagta, wuxuuna hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyey ugu mahad naqay qoyskiisa oo qayb libaax ka qaatay sidii ay garab ugu siin lahaayeen Ururinta, Hagaajinta iyo soo dhoofinta , waxa kale oo uu sheegay Prof. Xayd in ay dadka deegaankani nasiib badan yihiin , oo ay had iyo jeer helyaan dad la dhashay oo is garab taagay, laakiin loo baahan yahay in ay waxka faa’iideystaan, dadkuna ay la gudboontay in ay wixii ay wada qaban karaan wada hagaajiyaan, iyada oo aan fikirka lagu kala tageyn. Ugu danbayntii wuxuu mahad balaadhan u soo jeediyey maamulka jaamacadda, saxaafadda, widhwidhonline, radiossc.net, radiolaascanood, iyo T.v E.T.N, Hay’adda NPA, dhamaan dadkii u fududeeyey hawluhuu u socday.
Guddoomiyaha gobolka Sool Ibraahim Jaamac Daad ayaa isaguna ku tilmaamay xafladda furitanka Jaamacadda guul weyn oo u soo hoyatay gobolka sool, oo manta la jaan qaadaya gobollada kale ee Soomaaliya , wuxuna ka hadlay guddoomiyaha nabad galyada gobolka oo uu sheegay in ay sugan tahay, wuxuuna sheegay in maamulka gobolku ku dadaalayo sidii nabad galyada loo adkayn lahaa si waxbarashadu u noqota mid xasisha, dadkalena ugu soo dhiiradaan in ay waxbarasho u soo raadsadaan Gobolka Sool, wuxuuna ammaan u soo jeediyey jaaliyada dibadda ee hawlahan ka soo shaqeeyey.
Garaad Abshir Saalax oo magac issimada ku hadlay xafladana soo gabagabeeyey ayaa waxa uu mahad naq balaadhan u soo jeediyey Prof. Xayd oo uu ku ammaanay sida kartida leh ee uu usoo dadaalay dalkiisa iyo dadkiisan manfaca ugu soo jiday, wuxuuna ilaahay uga baryey in uu ka abaal mariyo guushaas weyn ee uu ummaddiisa u soo hooyey. Laascaanood Puntland Somalia.
By.Asad Caddaani Ibraahim |
QUICK LINKS About
U of N |
||||||
| Website Created by Alfaproduction@yahoo.com Copyright © 2005 Nugaal University |
||||||||